Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad “Anas” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen saddex nin iyo walxaha qarxa oo ay uga carareen jidka hareerahiisa, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen in jidka la dhigay walxaha qarxa.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ciidanka amniga ay ku wargeliyeen arrinta, isla markaana lagu guuleystay in la qabto saddex ruux oo lagu tuhmayo inay iyagu wateen walxaha qarxa oo ku jiray jawaanno, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka ay la wareegeen saddexda ruux ee la qabtay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Dadka deegaanka ayaa nagu soo wargeliyay, in walxaha qarxa, gaar ahaan miinada dhulka lagu aaso ay kuwa watay dhigeen jidka ka yimaada dabka ee dhanka Howlwadaag xageeda soo aadda, runtii arrinta durbadiiba waan ku baxnay, ciidanka miinada qaabilsan ayaan u dirnay, waxaana lagu guuleystay in miinada ay ciidamadu la wareegaan iyo saddex qof oo arrintaasi lala xiriirinayo” ayuu yiri Axmed Nuur Cabdi.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa uga mahadceliyay shacabka halkaasi ku nool sida ay ula shaqeeyaan mar waliba maamulkooda, isagoo tilmaamay in ay abaal marino gaar ah siin doonaan dadkii arrintaasi gacan ka geystay oo ka hortagay in miinooyinka ay Shabaabku wateen lagu dhibaateeyo dad rayid ah.

“Mar waliba ciidamada gacan ayay ku siiyaan shacabka degmada sidii loo fashilin lahaa dhagarta ay maleegayaan Shabaab, runtii waa arrin lagu farxo in shacabka ay xilligan u heelanyihiin la shaqeynta maamulkooda iyo ciidanka, anaguna waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u siin lahayn abaal marino, gaar ah dadkii arrintaasi gacan nagu siiyay” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Axmed Nuur.

 

 

Previous Post

NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In