Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo booqday qoys hooygooda uu dab baabi’iyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo booqday qoys hooygooda uu dab baabi’iyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow” ayaa maanta booqasho ugu tagay qoys danyara oo dhawaan hoygii ay daganaayeen dab baabi’iyay.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen guddoomiyaha xaafadda Dayax Axmedsiciid Maxamed Suudi iyo Ganacsade Nuur Xiirane ayaa qoyska la qaybsaday dhibkii soo gaaray inay ka xunyihiin, una kuurgalay khasaaraha hantiyeed ee qoyska gaaray, si loogu sameeyo caawin bulshadana loogu bandhigo taakulaynta iyo garab istaaga baahida qoyskani wajahayo.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026

Guddoomiye Geedaqorow ayaa qoyska u sheegay in loo dhisayo guryihii uu dabku baabi’iyay, maamulkuna uu dhisayo isagoo kaashanaya ganacsatada iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ganacsade Nuur Xiirane iyo guddoomiyaha xaafadda Dayax Axmedsiciid Maxaamed Suudi ayaa sidoo kale sheegay inay qayb ka qaadanayaan dib u dhiska guryahooda iyo nolosha kale ee qoyska.

Ugu dambayn Aabaha qoyska gurigoodu baaba’ay ayaa ka mahadceliyay booqashada guddoomiyaha iyo guddiga xaafadda iyo balan qaadka ay sameeyeen ee ay guriga ugu dhisayaan.

Previous Post

Akhriso War-saxaafadeedka Daahfurka qaadashada Tallaalka ka hortaga COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda

Next Post

Dad badan oo ku waxyeeloobay weerar Israa’iil ay ka fuliyeen Qaza

Next Post
Dad badan oo ku  waxyeeloobay weerar Israa’iil ay ka fuliyeen Qaza

Dad badan oo ku waxyeeloobay weerar Israa’iil ay ka fuliyeen Qaza

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In