Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda.

Related posts

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda.

Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya

Next Post

Maraykanka oo mar kale  ku hanjabay cunoqabatayn Turkiga ku soo rogo

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara

Maraykanka oo mar kale  ku hanjabay cunoqabatayn Turkiga ku soo rogo

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In