Saturday, May 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya

August 16, 2018
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaana ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Taliyaha iyo Safiirka, ayaa si gaar ah uga wada hadlay siddii Dawladda Qatar ay uga qeyb qaadan laheyd Tababarka, dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u dayactirka qaar kamid ah Xarumaha Booliska ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022

Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa sheegay in Dawladdiisa ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato Horumarka dalka iyo dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”, ayaa uga mahad celiyey Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey.

“Waxaan kulan la qaatay Safiirka dawladda Qatar ee Soomaaliya oo aan kala hadlay inay garab nagu siiyaan dadaalka aan ugu jirno dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dhanka tababarada iyo qalabka, Danjire Xasan Xamsa Asad Haashim, waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu iigu soo dhaweeyey Xarunta Safaaradda Qatar ee Soomaaliya” S/gaas Bashiir Ameeriko.

 

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”

Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

May 28, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u...

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo la kulmay Danjire Kate Foster

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la...

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Gurmadka Abaarah oo kulan la qaatay James Swen

May 28, 2022
0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la...

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

May 28, 2022
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta arrimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In