Guddoomiyaha gobobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta isgooska Xoosh iyo Ex-Control Afgooye.
Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeynley iyo Kaxda.
Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.
Waddadan oo aad u burbursan islamarkaana isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay ayaa waxaa ka mahadceliyay dhagax dhigga mashruucan qaar kamid ah bulshada ku nool degmooyinka Kaxda, Dharkeenley, Wadajir, Deyniile iyo Hodan ee gobalka Banaadir.