Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya mudane Ibrahim Mete Yağli, uguna hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi karin kaalinta uu Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay Shacabka iyo dawladda turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Danjie ibrahim mete yağli, ayaa ugu mahadceliyay Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, asigoona sheegay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee soomaaliya iyo turkiga.

Ugu danbeyn guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo danjire Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka gobolka Banaadir, dar-dargelinta mataaneynta Muqdisho iyo magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Previous Post

Keydkii Hubka khawaarijta Al-shabaab oo gubtay

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In