Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah, ayaa ugu baaqay Maamullada Degmooyinka Caasimadda inay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta Muqdisho.

Dr. Muungaab oo shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamullada Degmooyinka, ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhisay waddooyinka. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay kordhinayso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka, maadaama biyo-mareennada magaalada ay xirmaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si ay uga qaybqaataan u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka. Waxa uu ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Gaaray Magaalada Qaahira Ee Dalka Masar

Next Post

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Next Post
Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Madaxweynaha JFS Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Tanzaaniya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In