Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dib u aas-aasida waaxda Gurmadka Deg-degga ah

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dib u aas-aasida waaxda Gurmadka Deg-degga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha  gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida waaxda Gurmadka Deg-degga ee maamulka gobolka Banaadir.

Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada Dowladda Hoose ay u heyso Bulshada gobolka Banaadi,r ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2012-kii, iyadoona Howlwadeenada waaxdaan ay gurmad naf hurnimo ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, haba ugu darnaato xilliyada ay kacaan dababka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

Duqa magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dadaalada Naf-hurnimo oo ay howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga ay sameeyaan, asigoona xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay tayeynta iyo ka warqabka Howlwadeenada waaxda, maadaama ee yihiin kuwa ka shaqeeya shaqada ugu adag ee lagu bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda Gurmadka Deg-degga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga.

Previous Post

Israa’iil oo duqeysay Xero barakacayaal oo ku taalla Khan Yonis

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka daah-furay Shir looga hadlaayo dardargalinta iyo dib u eegista Howlaha Hay'adda

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In