Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2024-ka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2024-ka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024 iyo xeerka Nidaaminta Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa madasha ka sheegay in Miisaaniyadda iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, asigoo ka codsaday Mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Mas’uuliyiinta Madasha ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2024 iyo xeerka Nidaamka Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ay ka aamuseen.

Munaasabadda Ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Gobolka Banaadir ee 2024, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha Guud, Agaasime waaxeedyada, La-taliyeyaal iyo Garyaqaanka Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Minister of Health Inaugurates General Surgery Department at Martini Hospital

Next Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas uu saameeyay fatahaadda EL-NIÑO

Next Post
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas uu saameeyay fatahaadda EL-NIÑO

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas uu saameeyay fatahaadda EL-NIÑO

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In