Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda dowladda Masar oo gaaray Beledweyne “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda dowladda Masar oo gaaray Beledweyne “Sawirro”

DCIM239MEDIA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ay wehliyaan wafdi ka socda dalka Masar iyo qusulka Safaarada Somalia ee magaalada Qaahira, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha iyo xubnnaha wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo, iyo xubnno isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida ururka dhanlinyarada Gobolka Hiiraan.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

Intaa kaddib guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-gallay munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay taa oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalka wafdiga ka socda dalka Masar, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay siddii ay mashaariic kala duwan uga fulin lahaa gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

“Maalmaha soo socda wafdiga waa ay nala sii joogi doonaan, iyagoo booqan doonna xeryaha ay degan yihiin dadka danyarta ah, oo qorshuhu yahay in dib u dajin loo sameeyo, loona dhiso guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay ku nool yihiin” ayuu yiri Cabdifitaax Xassan Afrax,

Mar uu ka hadllayay Mashaariicda ay Qorsheynayaan inay ka fuliyaan Gobolka ayuu  yiri. “Waxaa ka mid ah dhismaha isbitaal weyn oo ay ka howlgali doonnaan dhaqaatiir Masaari ah, Iskuul waxbarasho oo ay her-galin doonto Jaamacada Al-Azhar, waxaa siddoo kale ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo kuwa kale oo badan.”

Dhinaca kale, Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa u sheegay dadkii ka soo qeyb-gallay munaasabada in dhawaan magaalada Beledweyne uu ka furmi doonno shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed looga baahan yahay bulshada in ay u diyaar-garoobaan.

“Dhawaan waxaa halkan ka furmaya shirweynaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed waa in dhamaanteen u diyaar-garoownaa siddii aan uga qeyb-qaadan laheyn sugidda ammniga iyo soo dhaweynta ergada ka qeyb-galli doonnta shirka,” ayuu yiri Afrax.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya xoolaha laga dhoofiyo gobolka Hiiraan si toos ah u taggi doonaan Masar, halka markii hore loo iib-geyn jiray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA

DSC00237 DSC00240 DSC00243 DSC00246 DSC00249 DSC00251 DSC00253  DSC00266 DSC00267 DSC00274 DSC00279 DSC00280 DSC00282 DSC00284 DSC00289 DSC00296

DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA
DCIM239MEDIA

 

Previous Post

Madaxweynaha oo digreeto ku magacaabay Taliye-xigeennada ciidanka booliska “Dhageyso+Sawirro”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka oo si hab-sami leh uga socda Banaadir Stadium

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka oo si hab-sami leh uga socda Banaadir Stadium

DAAWO SAWIRRADA: Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka oo si hab-sami leh uga socda Banaadir Stadium

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In