Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka waramay xaaladda Beledweyn

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka waramay xaaladda Beledweyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, mudane Yuusuf Axmed Hagar, oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu muujiyey fatahaadaha iyo dagaalada isbiirsaday ee ka jira magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan sida ay u saameeyeen nolosha dadka iyo jawiga magaalada oo hada u muuqata mid sii xumaaneysa.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hada Bulshada Baladweyne ay la daalaa dhacayaan sidii ay uga kabsan lahaayeen fatahaadaha magaalada oo saameeyey nolosha dadka, xoolaha, iyo ganacsiga magaalada oo hada xayiran.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

“Bulshadu dhibaato weyn ayey ku jiraan runtii xoolaha dadka iyo ganacsiga wey adag tahay sababtoo ah fatahaado badan ayaa jira, wax dhaq dhaqaaq ah hada ma jiro,” ayuu yiri Hagar.

Dowlada Soomaaliya iyo bulshada caalamka ayuu u jeediyey gudoomiyaha gobolka Hiiraana mudane Yuusuf Axmed Hagar, in door muuqda ay ka qaataan wax u qabashada shacabka re baladweyne, isaga oo dhinaca kale muujiyey dhaliil ay u qabaan madaxda dalka.

“Waxaan codsaneynaa dowlada iyo caalamka in ay wax nala qabtaan oo gurmad ay sameeyaan, runtii aniga wali ma arkin madaxda dowlada oo kahadlaya dhibaatada baladweyne,” ayuu marka kale sheegay guddoomiye Hagar.

Ugu dambeyn dagaalada kajira magaalada oo uu soo hadal qaaday gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in soo noq noqshadooda ay sabab u tahay iyada oo mar waliba aan la xalin caqabada dhabta ah ee dagaalada sababa.

“Dagaalada waxaa soo celceliya in aan la hir galin heshiisyada la sameeyo iyo waxa rasmiga ah ee mar walba dagaalada dhaliya waana taas mid dadka dagaalamaya ay gocdaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Hagar.

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo qabatay Koob loogu magac daray Isdhexgalka Umadaha “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In