Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka waramay xaaladda Beledweyn

caqiil by caqiil
May 24, 2016
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka waramay xaaladda Beledweyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, mudane Yuusuf Axmed Hagar, oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu muujiyey fatahaadaha iyo dagaalada isbiirsaday ee ka jira magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan sida ay u saameeyeen nolosha dadka iyo jawiga magaalada oo hada u muuqata mid sii xumaaneysa.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hada Bulshada Baladweyne ay la daalaa dhacayaan sidii ay uga kabsan lahaayeen fatahaadaha magaalada oo saameeyey nolosha dadka, xoolaha, iyo ganacsiga magaalada oo hada xayiran.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

“Bulshadu dhibaato weyn ayey ku jiraan runtii xoolaha dadka iyo ganacsiga wey adag tahay sababtoo ah fatahaado badan ayaa jira, wax dhaq dhaqaaq ah hada ma jiro,” ayuu yiri Hagar.

Dowlada Soomaaliya iyo bulshada caalamka ayuu u jeediyey gudoomiyaha gobolka Hiiraana mudane Yuusuf Axmed Hagar, in door muuqda ay ka qaataan wax u qabashada shacabka re baladweyne, isaga oo dhinaca kale muujiyey dhaliil ay u qabaan madaxda dalka.

“Waxaan codsaneynaa dowlada iyo caalamka in ay wax nala qabtaan oo gurmad ay sameeyaan, runtii aniga wali ma arkin madaxda dowlada oo kahadlaya dhibaatada baladweyne,” ayuu marka kale sheegay guddoomiye Hagar.

Ugu dambeyn dagaalada kajira magaalada oo uu soo hadal qaaday gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in soo noq noqshadooda ay sabab u tahay iyada oo mar waliba aan la xalin caqabada dhabta ah ee dagaalada sababa.

“Dagaalada waxaa soo celceliya in aan la hir galin heshiisyada la sameeyo iyo waxa rasmiga ah ee mar walba dagaalada dhaliya waana taas mid dadka dagaalamaya ay gocdaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Hagar.

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo qabatay Koob loogu magac daray Isdhexgalka Umadaha “SAWIRRO”

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Maxkamadda Ciidamada oo soo gaba-gabeysay dhageysiga eedeysanayaasha qaraxii Daalo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In