Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Xariga Ka Jaray Garoon Kubada Cagta Ah Oo Loogu Magacdaray Marxuum C/kariim Laqanyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Xariga Ka Jaray Garoon Kubada Cagta Ah Oo Loogu Magacdaray Marxuum C/kariim Laqanyo “Sawirro”

DCIM101MEDIA

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Dhismaha garoonkani oo bilihii ugu danbeeyayba soo soctay, ayaa ugu danbeyntii waxaa xarigga ka jaray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Garoonka ayaa loogu magac-darray alle ha u naxariistee Amb,C/kariin Faarax Laqanyo oo sanadkii 2009kii lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, kaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 70 ruux oo sidoo kale uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee ammniga Cumar Xaanshi Aadan.

Cayaar xiiso badan oo ay u soo daawasho tageen boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne, ayaa ku dhaxmartay garoonka kooxo kubada cagta ah oo ka kala socday gobollada Hiiraan & Galguduud, waxaana ay cayaartu kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusho ku raacday kooxda kubada cagta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax oo hadal u jeediyay cayaartooyada iyo dadkii u soo dhaawasho tagay, ayaa sheegay in dhismaha garoonka laga soo maray maraaxilo kala duwan, hasse ahaatee ugu danbeyntii suurtagashay in rasmi ah xariga looga jarro.

Waxaa uu amaan u jeediyay guddoomiyaha cayaartooyada labada dhinac ee tartanka dhax-maray, isaga oo sheegay in isboortigu qeyb-weyn ka qaato is dhax-galka bulshada iyo xoojinta nabad-galyada.

Dhinaca kale, taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta u soo daawasho tagtay cayaarta, ayaa sheegay in ciidanka Hiil-Walaal qeyb-weyn ka qaadan doonaan soo nooleynta cayaaraha, gaar ahaan siddii loo tayeen lahaa bahda isboortiga gobolka Hiiraan.

Ambassador C/kariin Faarax Laqanayo ayaa marka laga soo tago in uu ahaa diblomaasi, waxaa uu ka mid ahaa cayaartooydii hore ee qaranka, gaar ahaan waxaa uu caan ku ahaa cayaaraha Dabaasha, Biinkaha, iyo Kubada miiska, wuxuuna sidoo kale gacan weyn ka geystay dib u soo nooleyta isboortiga gobolka oo mudadii uu noolaa uu siweyn uga soo shaqeeyay waana tan keentay in loogu magac-darro garoonka maanta xariga laga jarray.

DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA
DCIM101MEDIA

5 6 7 8 9 10 15 16 17 18 20 21 22 23 25 26 45159_101339216594404_2043828_n

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dhalinyarada Aqoonyahanada Ah Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqeeyaan Horumarinta Dalka

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Baahiyaha Caafimaad Ee Dalka Iyo Tayada Dawooyinka

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Baahiyaha Caafimaad Ee Dalka Iyo Tayada Dawooyinka

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Baahiyaha Caafimaad Ee Dalka Iyo Tayada Dawooyinka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In