Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen Arday dhameysatay Waxbarashada Jaamacada Benaadir ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadasha dib u dhiska dalkooda.
“Wadanka kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhalinyarada Aqoonyahanada ah waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan cadaalada iyo xoojinta amniga, isagoo tilmaamay cida hada shaqada ay u hayaan in ay yihiin Dadka Soomaaliyeed laakiin ay diyaarinayaan in beri ay xilka ku wareejiyaan dhalinyarada wax u soo bartay dadka dalkooda, waxaana dhalinyarada uu xusuusiyay in dal walba dhalinyaradiisa ay dhisto.