Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 27, 2017
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Mudug oo kormeer ku tegay xabsiga Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga iyo Saldhiga ciidanka Booliska Degmada Gaalkacyo ee Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo sida ay u shaqeeyaan ciidanka booliska ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Galmudug ay maanta ku tageen xabsiga iyo saldhiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xiran yihiinn maxaabiis isugu jira kuwa xukuman iyo eedaysanayaal maxkamad sugayaal ah.

Mas’uuliyiinta ayaa intii ay kormeerkooda kuguda jireen waxay mid mid u booqdeen qeybaha kala duwan ee xabsiga, iyagoo warbixinno ku aadan xaaladda maxaabiista ka qaadanayay saraakiisha ciidanka booliska Galmudug ee ku wehliyay kormerkooda.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdirashiid Xaaashi Cartan ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay ku ogaan lahaayeen xaaladda maxaa biista ku jira  xabsiga,

“Ujeedka kormeerkeenu saaka waxa uuu ahaa mid aan rabno inaan ku ogaano xaaladda Amni ee Gobalka, gaar ahaan saldhiga iyo siduu u shaqeeynayo iyo xaaladda ay ku nool yihiin maxaabiista ku jirta xabsiga, waan aragnaa in saldhigu si fiican u shaqeynayo, laakiin maxaabiista hadda ku jirta tirada guud waa labaatan maxbuus oo isugu jira kuwa xukuman iyo kuwo xukun sugayaal ah, kuwaasi oo geystay ama ku eedeeysan dambiyo kala duwan, xaalad ba’anna way jirtaa waqtigoo kulul iyo meesha ay ku xiran yihiin oo aad u liita” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa ku daray “Garaam ku filan ma heystaan, waxaa kaloo jira caafimaad darro, waxaas oo dhan waxaa ugu wacan dhaqaale la’aanta dalka ka jirta, waxaan ugu baaqeynaa maadaama ciidanka boolisku ay si toos ah u hoostagaan taliska booliska Federaalka Soomaaliyeed in laga caawiyo dhibaatooyinka jira”.

Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah kormeero muddooyinkii u dambeeyay ay ku tageen mas’uuliyiintaan Degmada Hobyo iyo deegaanada hoostaga, kaas oo ay ugu kuur galayeen xaaladaha Ammaanka iyo dhibaatooyinka xagga adeegyada asaaska u ah nolasha bulshada ee ka jirta guud ahaan deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Mudug.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo ballan qaadday in uu sii waadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, xaaladda shuban-biyoodka iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, xaaladda shuban-biyoodka iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka “SAWIRRO”

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, xaaladda shuban-biyoodka iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka "SAWIRRO"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In