Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali diiriye (isxal) ayaa shir guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka
Kaasi oo lagu qabtey Xarunta Maamulka gobolka mudug.
Waxaa shirka Amniga ka qeyb galley Taliska Booliska gobolka mudug Saraakiisha Ciidanka Daraawishata iyo Maamulka degmada Gaalkacyo Galmudug.
Kulank ayaa inta uu socodey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa Amniga gobolka iyo sugidda Amniga Doraashada gollaha Shacabka ee dhawaan ka dhici doonta Magaalada Gaalkacyo.
Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa ugu danbeystii laga soo saaray awaamiir cusub oo maalmaha soo socda laga dhaqan galin doono degaanada Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Isxal oo ay Garab tagan yihiin Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo Saraakiisha Ciidanka Booliska daraawishata Galmudug ayaa Saaxafadda uga Warbixiyay Go’aanada cusub ee laga soo saaray shirka Amniga Gobolka Mudug oo Muddo labo Maalin ah socdey.