Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqday deegaanka Biya cadde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqday deegaanka Biya cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Biyo Cadde ee ka tirsan degmada Jowhar halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Biya Cadde isagoo la kulmay waxgaradka deegaanka kalana hadlay sidii ammaanka looga shaqeyn lahaa, isla markaana adeegyadii bulshada loo soo celin lahaa.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Wuxuu sheegay gudoomiyaha in dadka ku nool deegaanka Biyo cadde ay u bilaabatay nolol cusub, isagoo balan qaaday in maamulkiisu uu ka hirgelin doonaan deegaankaasi dugsiyadi waxbarashada, xarumihii caafimaadka iyo adeegyadi kale ee lagama maarmaanka u ahaa bulshada.

“Waxaan ku suganahay deegaanka Biyo Cadde oo ciidamada qalabka sida iyo AMISOM, oo is kaashanaya ay ka xoreeyeen Nabadiidka, deegaanka waxaa la qabtay, iyadoo aanay wax dhibaato ah dhicin, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada, oo ay ugu horeeyaan waxbarashadii iyo caafimaadka”ayuu yiri Guddoomiye  Guudlaawe.

Guddomiyaha ayaa intaasi raaciyay in deegaanada kale ee gobolka laga saari doono haraadiga maleeshiyaadka Shabaab, isagoo tilmaamay in maamulka gobolkana uu ku dadaali doono sidii loo xaqiijin lahaa amaanka deegaanada laga xoreeyo UGUS.

Deegaanka biya cadde ayaa khamiisti la soo dhaafay laga xoreeyay maleeshiyaadki Shabaab kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen halkaasi,

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Next Post
Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In