Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqday deegaanka Biya cadde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqday deegaanka Biya cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Biyo Cadde ee ka tirsan degmada Jowhar halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Biya Cadde isagoo la kulmay waxgaradka deegaanka kalana hadlay sidii ammaanka looga shaqeyn lahaa, isla markaana adeegyadii bulshada loo soo celin lahaa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wuxuu sheegay gudoomiyaha in dadka ku nool deegaanka Biyo cadde ay u bilaabatay nolol cusub, isagoo balan qaaday in maamulkiisu uu ka hirgelin doonaan deegaankaasi dugsiyadi waxbarashada, xarumihii caafimaadka iyo adeegyadi kale ee lagama maarmaanka u ahaa bulshada.

“Waxaan ku suganahay deegaanka Biyo Cadde oo ciidamada qalabka sida iyo AMISOM, oo is kaashanaya ay ka xoreeyeen Nabadiidka, deegaanka waxaa la qabtay, iyadoo aanay wax dhibaato ah dhicin, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada, oo ay ugu horeeyaan waxbarashadii iyo caafimaadka”ayuu yiri Guddoomiye  Guudlaawe.

Guddomiyaha ayaa intaasi raaciyay in deegaanada kale ee gobolka laga saari doono haraadiga maleeshiyaadka Shabaab, isagoo tilmaamay in maamulka gobolkana uu ku dadaali doono sidii loo xaqiijin lahaa amaanka deegaanada laga xoreeyo UGUS.

Deegaanka biya cadde ayaa khamiisti la soo dhaafay laga xoreeyay maleeshiyaadki Shabaab kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen halkaasi,

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Next Post
Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Madaxweynaha Pakistan oo ku boorriyay shacbkiisa iney ka fogaadaan xuska maalinta jaceylka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In