Monday, November 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo baaqa udiiray bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo baaqa  udiiray bulshada gobolka Shabeellaha Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool magaalada Marka iyo Guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose in ay adkeeyaan Heshiiska laga gaaray colaadii mudada badan soo jiidameysay ee ka taagneyd magaalada Marka una dhaxeysay Labo beel oo walaalo ah oo wada dega Gobolkaasi.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa si gaar ah ula dardaarmay Odayaasha,Culimada iyo Waxgaradka magaalada Marka iney dhowraan heshiiska una dhaqaaqaan sida ugu haboon ee loo dhaqan gelin karo loona yeero dadkii colaadaha ku barakacay si ay nabad iyo nolol ugu noolaadaan.

Marka uu ka hadlayay Kheyraadka uu ku fadhiyo Gobolka Shabeellaha hoose iyo sida aan looga faa’ideysan ayuu Yiri” Soomaaliyey Gobolka Shabeellaha hoose inagu waxaan nahay qiyaas ahaan 12-Milyan meelahaasi, waa Gobolka dhammaanteen aan degi karno ee ina raashimin karo (Ina quudin karo),waa Gobol inta uu ina quudiyo waliba Aduunka wax uga diri karno,maan garan dadka hadda degan ee tiradooda yar tahay waxay isku heystaan,Soomaali oo dhan ayaa degi karta oo ku filan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi wuxuu Yiri” Magaalada Marka Taariikhdeeda haddaan gadaal u raaco 1947-dii oo waqtigii gumeysiga uu joogay waxay lahayd shan Warshadood oo soo saara wixii ka baxa deegaanka yacni Gobolka gaar ahaan degmada Marka wixii ka baxa ayaa lagu farsameyn jiray loona dhoofin jiray dibadaha,waan ka xumahay maanta iyo ka horba shantaa Warshadood dhammaantood wey baaba’een.”

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in dhibaatooyinkaasi oo dhan ee Gobolka ka jira ay keeneen talo xumo,isagoona dhanka kale tilmaamay iney muhiim tahay inaan tashano oo si wanaagsan u tashano si loo helo nabad iyo nolol dadka ay ku wada naaloodaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa hadalkaan ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose oo uu shalay kaga qeyb galay magaalada Muqdisho,waxaana shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan,Xildhibaanada iyo Odayaasa dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxayna Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose kuna sugnaa shirka dib u heshiisinta ay balan qaadeen iney adkeynayaan Heshiiska,islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa loogana faa’ideysan lahaa Kheyraadka uu Illaahey ku maneystay Gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii dib u heshiisiin loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay dagaaladii soo maray dalka

Previous Post

Hogaamiyaha W.Kuuriya oo safar qarsoodi ah ku tagay Shiinaha

Next Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Next Post
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In