Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay lagu soo dhoweeyay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.
Wafdigaasi uu hoggaaminaayey guddoomiyaha,waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.
Wafdigaasi waxaa sidoo kale halkaasi ku soo dhoweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ,waxa ay dalka Ciraaq kaga qeybgalayaan meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta.
Guddoomiyaha ayaa dhigiisa Ciraaq uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.