Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 weeks ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda koleyga ee Wiish Stadium kaga qeyb galay cayaarta kama dambeyska ah ee Tartanka Kubadda Koleyga General Daa’uud, oo ay isaga horyimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekadaha.

Ciyaar xiiso iyo tartan adag lahayd oo ay daawanayeen mas’uuliyiin iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn guushu raacday kooxda Dekadaha, oo ku guuleysatay tartanka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa labada kooxood ku ammaanay ciyaartii wanaagsaneyd iyo dadaalka ay muujiyeen, isagoo hambalyo u diray kooxda Dekadaha, sidoo kalena bogaadiyey kooxda Heegan oo kaalinta labaad gashay, waxaana uu sidoo kale xusay muhiimadda isboortiga u leeyahay bulshada, gaar ahaan xoojinta isdhexgalka bulshada, nabadda, wadajirka iyo wacyigelinta dhalinyarada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ugu dambeyn koobka guddoonsiiyey kooxda kubadda koleyga ee Dekadaha, isagoo sidoo kale bilado guddoonsiiyey cayaartoyda labada kooxood ee Dekadaha iyo Heegan.

Garoonka waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, saraakiil, bahda cayaaraha qeybahooda kala duwan iyo sidoo kale dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir oo cayaarta usoo daawasho tagay.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In