RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad ee Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay oo ka socota magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.
Wasiirka ayaa ka qaybgalay fadhi uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Federaalka Ruushka mudane Tatyana Golikova oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Madasha.
Madashan ayaa isu keenta madax, masuuliyiin iyo khubaro dhinaca dhaqanka ah, iyadoo fursad u ah wada-hadalka dhaqamada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Fadhiga kaddib, Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa wareysi siiyey warbaahinta, isagoo ka hadlay muhiimadda dhaqanka, hodantinimada hidaha Soomaaliyeed iyo fursadaha ay Soomaaliya uga faa’iidaysan karto soo bandhigidda dhaqankeeda caalamka.










