Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobihii shaqaaqooyinka ka dheceen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobihii shaqaaqooyinka ka dheceen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa uu kormeeray qeybo ka mid ah meelihii ay shaqaaqooyinka ka dhaceen isagoo warbixin ka dhageystay baraha ay degan yihiin ciidamada KGS iyo guryaha siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mid mid ula fariistay isla-markaana uu kala hadlay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada si ay mira dhal u noqoto dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana uu Guddoomiyaha faray ciidanka in aysan qaadin wax talaabo ah oo lid ku ah xasiloonida deegaanka, isagoo ka digay in magalada Baydhabo xiligaan qalalaaso laga abuuro lana ilaaliyo wax kasta oo daganaashaha shacabka wax u dhimi kara.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa askartii shalay wax yeeladu ka soo gaartay hoyga wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti isla-markaana laga qaatay hubkoodi ayuu Guddoomiyuhu amray in dib loogu celiyo, kuwaas oo ilaalinaayay hooyga wasiirkii hore.

Previous Post

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Xoghayeyaasha  Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada

Next Post

Khawaarij ka badan 100 oo lagu laayay magaalada Galcad

Next Post
Howlgal lagu dilay xubno katirsan Argagixisada oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Khawaarij ka badan 100 oo lagu laayay magaalada Galcad

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul fitriga

March 19, 2026
0

Waxa aan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga la wadaagayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In