Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Xafiisyo cusub ku wareejiyay Guddiyada Joogtada ah ee Golaha+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Xafiisyo cusub ku wareejiyay Guddiyada Joogtada ah ee Golaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta qaar ka mid ah Guddiyada Golaha shacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.

Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
  1. Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.
  2. Guddiga difaaca ee golaha shacabka.
  3. Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.
  4. Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.
  5. Guddiga beeraha ee golaha shacabka.

Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa ka mahad celiyay kuna ammaanay Guddoomiyaha Golaha Shacaka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan sida dhaqsiyaha leh uu kaga jawaabay codsigooda.

“ Runtii xafiisyadaan cusub ee naloo dhisay wax weyn ayay shaqadeena ku soo kordhinayaan waana ugu mahad celineynaa Guddoomiyaha tallaabada wanaagsan ee uu qaaday” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyada golaha kula dardaarmay iney shaqooyinkooda sii laba jibaaraan, maadaama loo dhisay xafiisyadii ay u baahnaayeen.

“ Waxan ku guuleysanay inan dhammaan Guddiyada Golaha Shacabka aan u dhisno xafiisyo ay ku shaqeeyaan, hadda ka dib waxa ay ka maarmi doonaan shirarkii ay ku qabsan jireen hoteelada”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ka dhabbeeyo balan qaadkii ahaa in guddi walbo uu helo xafiis u gaar ah.

“ Maanta aad bay ii farxad gelineysaa inan arko Guddi walbo oo leh xafiis u gaar ah, cid walbo oo gacan ka geysatay wa u mahad celinayaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Mursal waxaa wareejinta xafiisyada waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), Habdhowra golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Previous Post

On brotherly Relations and Comprehensive Cooperation

Next Post

R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

Next Post
R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In