Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 weeks ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah ugu sameeyey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, kaas oo soo gabagabeeyey muddo-xileedkiisii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, islamarkaana dhowaan dib ugu laabanaya dalkiisa.

Xafladda sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiin, saraakiil, arday wax ku soo baratay dalka Turkiga iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa si weyn ugu mahadceliyey Dowladda Turkiga garab istaagga, taageerada iyo xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Alper Aktaş ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay inuu Soomaaliya ka howlgalo, isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay muddadii uu dalka ka howlgalayey, waxaana uu tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo heer aad u wanaagsan, isla markaana labada dal ay iska kaashanayaan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale sheegay in qorshayaal muhiim ah oo dhinaca horumarinta tiknoolajiyadda ah ay Soomaaliya ka socdaan, isagoo xusay in sannadka 2027 la qorsheynayo in Soomaaliya laga hirgeliyo xarun dayax-gacmeed laga diro, isla markaana dayax-gacmeedkii ugu horreeyey laga diro dalka, sidoo kalena waxa uu sheegay in dhowaan xeebaha Soomaaliya ay soo gaari doonaan maraakiib ka qeyb qaadan doona howlaha ka socda xeebaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo gebagabadii xafladda ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda dheer ee xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo heerka sare ee uu maanta xiriirka labada dal marayo.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Soomaaliya u gashay abaal iyo taageero aan la iloobi karin, gaar ahaan wakhtiyo adag oo ay Soomaaliya garab u baahneyd, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illoobi doonin garab istaagga iyo walaaltinimada ay Dowladda iyo shacabka Turkigu u muujiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Danjire Alper Aktaş uga mahadceliyey shaqadii iyo dadaalkii uu muddadii uu Soomaaliya joogay ka geystay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey guul iyo mustaqbal wanaagsan.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Next Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Next Post
Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In