Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalal Afrika iyo Koonfurta Amerika.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha dalalku kala kulmaan helitaanka maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Intii uu socday kulanka saddexda maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta cimilada, oo ay ka mid yihiin dakhliga gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha musiibooyinka.

Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran,Liban Obsiye ayaa dalalka iyo Hey’addaha kala duwan ee shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimiladu.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaan fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta cimilada.
“ Waxaan sidoo kale sharaxay sida aan u qaadanayno hab ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda mustaqbal waara.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye.

Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Goboleed iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.

Waxaa shirkaan oo ah meertada 2-aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hey’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Next Post
Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In