Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
16 minutes ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalal Afrika iyo Koonfurta Amerika.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha dalalku kala kulmaan helitaanka maalgelinta cimilada Maaliyadda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026

Intii uu socday kulanka saddexda maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta cimilada, oo ay ka mid yihiin dakhliga gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha musiibooyinka.

Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran,Liban Obsiye ayaa dalalka iyo Hey’addaha kala duwan ee shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimiladu.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaan fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta cimilada.
“ Waxaan sidoo kale sharaxay sida aan u qaadanayno hab ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda mustaqbal waara.” Ayuu yiri Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye.

Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Goboleed iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.

Waxaa shirkaan oo ah meertada 2-aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hey’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In