Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa magaalada El Alamein ee dalka Masar kaga qaybgalay Shirweynaha Caalamiga ah ee International AirShow, kaas oo ay isugu yimaadaan wasiirrada gaadiidka iyo duulista, madaxda duulista rayidka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha maamulka hawada iyo duulimaadyada.

Intii uu socday shirweynaha Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dalka Masar Mudane Dr. Samix Xanafi.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga labada dal.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday xog ku saabsan halka uu marayo qorshaha dib-u-soo-celinta diyaaraddii Somali Airlines. Masarna waxay ballanqaadday inay Soomaaliya khibrad ahaan uga caawin doonto qorshaha horumarinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ugu dambeyn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Masar garab istaagga iyo taageerada uu u fidiyo horumarinta duulista Soomaaliya.


Previous Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In