Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Ka Baaraan Degidda Tallooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo Ka Hadlay Warbixinta Ay Madaxda Siiyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ka baaraan degidda tallooyinka la xiriira Hannaanka doorashada ahna sii hayaha Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Dhuusamareeb 3 ay maalmaha soo socda go’aamo ka gaarayaan, ayna isla meel dhigi doonaan hannaan doorasho oo suurta gal ah iyo habka ugu habboon ee dooorasho lagu geli karo.

Wasiir Saalax ayaa tilmaamay in Madaxda ka qeyb galaysa shirka ay uga warbixiyeen shaqooyinkii ay soo qabteen, halka wax u marayaan, lana wadaageen xulashooyinka doorasho lagu geli karo, isagoo xusay in Dhuusamareeb loogu fadhiyo shirkii 22-ka bishii July loogu balamay.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ka baaraan degidda tallooyinka la xiriira Hannaanka doorashada oo ugu horeyn ka hadlayay waxyaabihii u qabsoomay intii ay Muqdisho joogeen ayaa yiri “Waxaan si horu dhac ula tashanay hogaanka bulshada, sida xisbiyada inta aan ka gaareynay, ururada bulshada, guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kulamadaas waxa ay ahaayeen kulamo wada tashiyo ah oo dadka arrimaha daneynaya looga soo aruurineyay afkaarahooda, waxaa kaloo xusid mudan in Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkooda ay nagu soo booqdeen xarunteena Muqdisho oo ay nagu baraarujiyeen howsha aan heyno”

Siihayaha Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka warsugaan Madaxdooda shirka wadatashiga ah uga socda Dhuusamareeb.

“Waxaa lagu rajo weynyahay dhawaan in madaxdu marka ay arrimahaan ka baaraan degto ay isla meel dhigto hannaan doorasho oo suurta gal ah, xeeriyana hiigsiga iyo himilada dadka Soomaaliyeed, anagu wax badan wey noo soo qabsoomeen, waxna wey dhimanyihiin, oo waxa ay ku imaaneysaa is afgarad iyo wada xaajood siyaasadeed oo ah kan maanta halkan loo fadhiyo sida ay madaxdu ku balantay 22-kabishii July”, ayuu yiri Wasiir Saalax

Previous Post

Shil Gaari Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Bakaaraha “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baaraan-Degga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baaraan-Degga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baaraan-Degga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In