Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baaraan-Degga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Ka Baaraan-Degga Doorashooyinka Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Ka-baaraan degga Doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey qorshaha shaqo ee Guddiga, latashiyadii ay la yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xisbiyada siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha iyo Madaxda Heer Dowlad-Goboleed nuxurka daraasadda ay sameeyeen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ay qabteen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo heshiisyada siyaasadeed ee horey loo gaaray kuwaas oo ku saabsanaa doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku qabsoonta wakhtigeeda, kana turjunto hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Ka-baaraan degga doorashooyinka dalka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-u-rurinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Ka Baaraan Degidda Tallooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo Ka Hadlay Warbixinta Ay Madaxda Siiyeen

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In