Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha dowladda oo ka hadlay tirakoobka shaqaalaha

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha dowladda oo ka hadlay tirakoobka shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo dhawaan, dowlada Soomaaliya ay sameysay Tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee dowladda, ayaa guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka Soomaaliyed Mudane Xasan Abshirow Maxamed, waxa uu in sheegay in dhowaan la soo bandhigi doono natiijada tirakoobkaas.

Mudane Abshirow, oo wareysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyey warbaahinta qaranka ayaa  ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mar uu ka hadlayey natiijada ka soo baxday tirakoobkaas waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaanna la soo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii la sameeyey waxaa hormuud ka aheyd wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada Soomaaliya, anagana qeyb ayeynu ka aheyn, kaligeenna ma aheyne, hay’addo badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabaha guud iyo kan ra’isalwasaaraha,” ayuu yiri gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in inkastoo duruufo dhaqaalo yari ay  wadanka ay ka jirto, taasina keentay qaar shaqaalaha ka mid ah xuquuqdii u baahnaayeen aysan helin sidaa awgeedna dowladdu ku dedaaleyso xaqiijinta arrintaas.

“Shaqaalah rayidka 100% ma  helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha dhaqaala yari ee  wadanka ka jita  inkastoo haatan dib u soo kabasho lagu jiro,” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay guddoomiyaha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada  xisbiyada siyaasadeed ee dalka waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan ka qeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taas ku sababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaas un ka shaqqeynaya.

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019-ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan guddiga, laakiin ay ka timaado hay’adaha kale ee  dowlada, taasina ay ku xiran tahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogu soo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka, ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diiwaangalinta, dallacsiinta, Rukhseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowladda, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer ku soo saaray.

 

Previous Post

AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

Next Post

Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Next Post
Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In