Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha dowladda oo ka hadlay tirakoobka shaqaalaha

caqiil by caqiil
November 18, 2018
in Wararka
0
Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha dowladda oo ka hadlay tirakoobka shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo dhawaan, dowlada Soomaaliya ay sameysay Tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee dowladda, ayaa guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka Soomaaliyed Mudane Xasan Abshirow Maxamed, waxa uu in sheegay in dhowaan la soo bandhigi doono natiijada tirakoobkaas.

Mudane Abshirow, oo wareysi gaar ah xafiiskiisa ku siiyey warbaahinta qaranka ayaa  ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Mar uu ka hadlayey natiijada ka soo baxday tirakoobkaas waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaanna la soo bandhigi doonno.

“Tirakoobkii la sameeyey waxaa hormuud ka aheyd wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada Soomaaliya, anagana qeyb ayeynu ka aheyn, kaligeenna ma aheyne, hay’addo badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabaha guud iyo kan ra’isalwasaaraha,” ayuu yiri gudoomiye Abshirow.

Mar uu ka hadlayey xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in inkastoo duruufo dhaqaalo yari ay  wadanka ay ka jirto, taasina keentay qaar shaqaalaha ka mid ah xuquuqdii u baahnaayeen aysan helin sidaa awgeedna dowladdu ku dedaaleyso xaqiijinta arrintaas.

“Shaqaalah rayidka 100% ma  helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha dhaqaala yari ee  wadanka ka jita  inkastoo haatan dib u soo kabasho lagu jiro,” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Abshiro Maxamed.

Mar aan weydiinay guddoomiyaha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada  xisbiyada siyaasadeed ee dalka waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba  aysan ka qeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taas ku sababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaas un ka shaqqeynaya.

Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019-ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan guddiga, laakiin ay ka timaado hay’adaha kale ee  dowlada, taasina ay ku xiran tahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogu soo helo dadka cusub ee la qaadanayo.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka, ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diiwaangalinta, dallacsiinta, Rukhseynta  iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowladda, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer ku soo saaray.

 

Previous Post

AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

Next Post

Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Next Post
Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Daacish oo dagaal u iclaamisay Al-shabaab

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In