Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Baarlamaanka hortegay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Baarlamaanka hortegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa wuxuu Xafiiskiisa Golaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kulan kula yèeshay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Kulanka waxaa Shir guddoominayay. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi waxaa goob-joog ka ahaa, kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley, Xoghayaha Guddiga Mukhtaar Axmed Xasan Saajid iyo Xubnaha Guddiga.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Guddigu ayaa waxa uu warbixin ku saabsan Qorshe-howleedka ka dhegeystay. Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Mudane Xasan Abshirow Maxamed.

Kulanka waxaa lagu soo Bandhigay. Qorsha-howleedka Guud ee Guddiga , marxalada guud ee Xaquuqda iyo Daryeelka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Waxaa sidoo kale, aad loogu dheeraaday Hanaankii lagu dhisay guddiga, iyo marxaladihi kala duwanaa,  ee uu soo maray, Shaqaalaha Rayidka  ee Dowladda. halka ay wax marinayaan iyo waxa uqorsheysan,  oo ay doonayaan inay hiigsadaan.

Sidoo kale,Guddiga ayaa la weydiiyey. Su’aalo Oraaheed ku aadan waxqabadka  Qorsha-howleedka iyo marxalada guud ee  Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda JFS.

Dhanka kale Guddiga Horumarinta adeega bulshada ayaa aad u bogaadiyay Shaqada wanaagsan ee ay Qaranka uhayaan, sidoo kale Guddiga  ayaa usoo jeediyay  in dib-loogu soo gudbiyo, labada sharci ee kala ah, Hindise-sharciyeedka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Number11. iyo Hindise-sharciyeedka Howlgabka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u Mahadcelisay Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda kulankana soo xirtay.





Previous Post

Wasiirka Batroolka XFS oo Saafaradda Turkiga ugu tegay in uu usoo tacsiyeeyo

Next Post

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo labo Maxbuus

Next Post
Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo labo Maxbuus

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo labo Maxbuus

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In