Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Haweenka qaranka oo la kulmay guddiga fududeynta shirka Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Haweenka qaranka oo la kulmay guddiga fududeynta shirka Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha ururka Haweenka qaranka Batuulo Shiiq Axmed Gabale iyo xubna ka tirsan ururka oo maalmihi u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulan la qaatay guddiga Fududueynta Shirka maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo shabeelaha dhexe.

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska guddiga Fududeynta ee xarunta Shirka uu ka socdo, waxaana diirada lagu saaray sidii haweenka ka soo jeeda labada gobol ay u heli lahaayeen Soddon boqolkiiba Golayaasha maamulka loo dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Kulankaasi kadib guddoomiyaha ururuka Haweenka qaranka ayaa kormeertay xarunta Shirka oo ay ku jireen ergooyin ka soo jeeda labada gobol.

Marwa Batuula Shiiq Axmed guddomiyaha ururka Haweenka qaranka ayaa markaa kadib Warbaahinta qaranka ugu warantay Kulanka ay la qaateen xubnaha guddiga fududeynta shirka ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo u jeedka ay u joogaan magaalada Jowhar, waxaana ay tilmaantay inay muhiimada tahay in la caddeeyo qoondada Haweenka si doorka haweenka uu meesha uga muuqdo.

Marwa Batuula shiiq Axmed oo raja wanagsan ka muujisay sida uu u socda shirka iyo inuu guul ku dhammaado ayaa waxa ay sheegtay in ay la kulmi doonaan dhaqanka iyo qeybaha Bulshada si loo xaqiijiyo doorka Haweenka ee maamulka la dhisi doono.

Guddoomiyaha guddiga Fududeenyta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha Ciise Maxamuud Samoow ayaa sheegay in guddiga ay soo dhaweynayaan dadaalka ururka Haweenka qaranka ee la xiriira in haweenku ay helaan qoondadooda.

Wariye C/shakuur Cali Axmed Jowhar

Previous Post

Guddoomiyaha Hiiraan: Shacabka iyo maamulka Maxaas waa dad isku duuban

Next Post

Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Next Post
Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In