Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Haweenka qaranka oo la kulmay guddiga fududeynta shirka Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Haweenka qaranka oo la kulmay guddiga fududeynta shirka Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha ururka Haweenka qaranka Batuulo Shiiq Axmed Gabale iyo xubna ka tirsan ururka oo maalmihi u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulan la qaatay guddiga Fududueynta Shirka maamul u sameynta gobolada Hiraan iyo shabeelaha dhexe.

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska guddiga Fududeynta ee xarunta Shirka uu ka socdo, waxaana diirada lagu saaray sidii haweenka ka soo jeeda labada gobol ay u heli lahaayeen Soddon boqolkiiba Golayaasha maamulka loo dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Kulankaasi kadib guddoomiyaha ururuka Haweenka qaranka ayaa kormeertay xarunta Shirka oo ay ku jireen ergooyin ka soo jeeda labada gobol.

Marwa Batuula Shiiq Axmed guddomiyaha ururka Haweenka qaranka ayaa markaa kadib Warbaahinta qaranka ugu warantay Kulanka ay la qaateen xubnaha guddiga fududeynta shirka ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo u jeedka ay u joogaan magaalada Jowhar, waxaana ay tilmaantay inay muhiimada tahay in la caddeeyo qoondada Haweenka si doorka haweenka uu meesha uga muuqdo.

Marwa Batuula shiiq Axmed oo raja wanagsan ka muujisay sida uu u socda shirka iyo inuu guul ku dhammaado ayaa waxa ay sheegtay in ay la kulmi doonaan dhaqanka iyo qeybaha Bulshada si loo xaqiijiyo doorka Haweenka ee maamulka la dhisi doono.

Guddoomiyaha guddiga Fududeenyta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha Ciise Maxamuud Samoow ayaa sheegay in guddiga ay soo dhaweynayaan dadaalka ururka Haweenka qaranka ee la xiriira in haweenku ay helaan qoondadooda.

Wariye C/shakuur Cali Axmed Jowhar

Previous Post

Guddoomiyaha Hiiraan: Shacabka iyo maamulka Maxaas waa dad isku duuban

Next Post

Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Next Post
Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Raisul wasaare ku-xigeenka dalka oo soo xeray shirkii cadaaladda looga hadlaayay

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In