Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaadatay Madaxda Hay’adaha Qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaadatay Madaxda Hay’adaha Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa shir la yeelatay madaxda Hay’adaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah (ZOOM Meating) ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ku jiraan sidii loo sameyn lahaa qorshe hawleed mideysan oo ay u dhanyihiin dhamaan Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo la iska kaashanayo sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool gudaha dalka.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegtay in sharcigii Qaxootiga iyo magangalyadoonka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo hirgalintiisa waxayna xustay in mardhow la bilaabi doono sidii luuqadaha Qalaad loogu Turjumi lahaa sharciga, si deeq-bixiyaashu ula jaanqaadaan.

Sidoo kale guddoomiye Safiyo ayaa xustay in sharciga barakacayaasha isna uu meel fiican maraayo, kaasi oo hadda horyaalla Mudanayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Sharciyadaan ayaa wax badan ka taraya sidii loo maareyn lahaa deeqaha iyo waxqabadka dadkeena nugul ee barakacaaysha ah, waxaana ka dhalan doona in ay hay’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed in ay awood u yeeshaan la xisaabtanka iyo jiheynta qorshayaasha wax loogu qabanayo bulshadeena Soomaaliyeed ee ay saameysay isbadalka cilimilada,” ayay tiri Gudoomiye Safiyo.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxa looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa fulinta balan-qaadyadii shirkii GENEVA ee 2023 iyadoo loo abbaarayo qorshe wadajir ah.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii lagu abbaari lahaa xalka dadka barakacyaasha ah, iyada oo lagu saleynayo baahida dadkeena iyo sidii dhaqaaale loogu abuuri lahaa, iyada oo lagu salaynayo deegaan walba iyo baahiyaha ka jira.

Inta uu socday kulankan ayaa laysla meel dhigay in dadka Qaxootiga ah loo abuuro nolol lamid ah yaraan middii ay ku haysteen xeryaha qaxootiga dalalkii ay kasoo laabteen, sida Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo waxbarashada ubadka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga badali lahaa qorsha hawleedka 5ta-sano ee soo socoto Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka si loogu daro balan qaadyadii GENEVA ee 2023.

“Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Raisul Wasaaraha XFS waa ay ka go’antahay in sharcigaan la meelmariyo iyo in xal rasmi ah loo helo Barakacyaasha gudaha dalka, maadaama dadku ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa” ayay hadalkeeda ku dartay gudoomaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka.


 

 

Previous Post

Xukunka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Taakeeye iyo Kooxdiisa

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In