Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaadatay Madaxda Hay’adaha Qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaadatay Madaxda Hay’adaha Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa shir la yeelatay madaxda Hay’adaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah (ZOOM Meating) ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ku jiraan sidii loo sameyn lahaa qorshe hawleed mideysan oo ay u dhanyihiin dhamaan Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo la iska kaashanayo sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool gudaha dalka.

Related posts

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegtay in sharcigii Qaxootiga iyo magangalyadoonka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo hirgalintiisa waxayna xustay in mardhow la bilaabi doono sidii luuqadaha Qalaad loogu Turjumi lahaa sharciga, si deeq-bixiyaashu ula jaanqaadaan.

Sidoo kale guddoomiye Safiyo ayaa xustay in sharciga barakacayaasha isna uu meel fiican maraayo, kaasi oo hadda horyaalla Mudanayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Sharciyadaan ayaa wax badan ka taraya sidii loo maareyn lahaa deeqaha iyo waxqabadka dadkeena nugul ee barakacaaysha ah, waxaana ka dhalan doona in ay hay’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed in ay awood u yeeshaan la xisaabtanka iyo jiheynta qorshayaasha wax loogu qabanayo bulshadeena Soomaaliyeed ee ay saameysay isbadalka cilimilada,” ayay tiri Gudoomiye Safiyo.

Kulanka maanta ayaa sidoo kale waxa looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa fulinta balan-qaadyadii shirkii GENEVA ee 2023 iyadoo loo abbaarayo qorshe wadajir ah.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sidii lagu abbaari lahaa xalka dadka barakacyaasha ah, iyada oo lagu saleynayo baahida dadkeena iyo sidii dhaqaaale loogu abuuri lahaa, iyada oo lagu salaynayo deegaan walba iyo baahiyaha ka jira.

Inta uu socday kulankan ayaa laysla meel dhigay in dadka Qaxootiga ah loo abuuro nolol lamid ah yaraan middii ay ku haysteen xeryaha qaxootiga dalalkii ay kasoo laabteen, sida Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo waxbarashada ubadka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga badali lahaa qorsha hawleedka 5ta-sano ee soo socoto Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka si loogu daro balan qaadyadii GENEVA ee 2023.

“Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Raisul Wasaaraha XFS waa ay ka go’antahay in sharcigaan la meelmariyo iyo in xal rasmi ah loo helo Barakacyaasha gudaha dalka, maadaama dadku ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa” ayay hadalkeeda ku dartay gudoomaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka.

Previous Post

Xukunka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Taakeeye iyo Kooxdiisa

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “SAWIRRO”

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulan kula qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan mira...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo kulan la qaatatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM

May 7, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorrada iyo Socdaalka

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐞𝐲 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐲a𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢

May 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In