Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha u xilsaaran socdaalka iyo amniga xuduudaha dalkaas.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka wada shaqeeya socdaalka iyo amniga.

Casriyeynta adeegyada HSJ, sida: dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga.

Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.

Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah.

Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka.

Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ.

Horumarinta garoomada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kulanka miro-dhalka ah ayaa lagu xallin doonaa caqabadaha jira, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarrada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka.

Intii uu socday booqashada, Agaasimaha Guud ee HSJ iyo wafdigiisa waxaa loo bandhigay hannaanka ay hay’adaha Jarmalka u maareeyaan socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berlin, halkaas oo ay ku arkeen shaqooyinka maalinlaha ah iyo qalabka casriga ah ee lagu hawlgalo.

 

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In