Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ku wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ku wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roobabki Dayrta ee la filayay in ay da’aan bilihii Sebtembar, Oktoobar iyo Nofembar oo baaqday ayaa sababay abaar saameysay inta badan gobollada dalka oo hore ula daalaa-dhacayay dhibaatooyinka ka dhasha dhacdooyinka cimilo ee soo laalaabtay.

Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag oo u baahan jawaab aan daah lahayn.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagaxisada ayaa diyaarisay gargaar beni’aadannimo kaas oo 25 gaari oo xamuul ah maalmaha soo aaddan looga qaadi doono keydadka hay’adda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa gargaarkaan oo loogu tala-galay in ka badan 13,000 oo qoys ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Galmudug oo ay wehliyaan Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Dowladaha Shiinaha iyo Turkiga kaga mahad-celiyay deeqdaan oo ay ugu tala-galeen in Dowladda Soomaaliya gaarsiiso dadka nugul, isagoo madaxda iyo shacabka Galgaduud ugu baaqay in gargaarkaan bani’aadannimo wadajir loogu hubiyo gacmaha dadka duruufaha nololeed heystaan ee loogu tala-galay.

 

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah

Next Post

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Next Post
Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran...

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In