Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta ku wareejiyay Wasiirka Wasaaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadija Maxamed iyo Hoggaanada haweenka ku matala Hay’addaha Dowladda ee kala duwan , Gargaar loogu tala galay 6,000 oo Qoys
Gargaarkan lagu wareejiyay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo Hoggaanada haweenka ku matala Hay’addaha Dowladda ayaa daba socday kulan uu Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle shalay kula yeeshay Xarunta dhexe ee Hay’adda, kaasi oo u jeedkiisa ahaa sidii ay hay’adda SoDMA Gargaar u gaarsiin laheed haweenka garab istaagga u baahan ee Naafada ah.