Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah oo u soo qabanqaabiyay Midowga Afrika, kaas oo looga hadlay u diyaar-garowga iyo ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya, marka loo eego juqraafi ahaan, ay tahay albaabka bari ee qaaradda Afrika, isla markaana ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee dareema saameynta El Niño iyo La Niña. Wuxuu xusay in ifafaaleyaashan cimileed ay sababi karaan fatahaado, abaaro, barakac, cunno yari, cudurro dillaaca iyo burbur ku yimaada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo hab-nololeedka bulshada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ugu baaqay Midowga Afrika, Dowladaha xubnaha ka ah iyo bahwadaagta horumarinta inay xoojiyaan wadaagga xogta cimilada, maalgelinta tallaabooyinka saadaasha ku saleysan (Anticipatory Action), iyo maalgashiga kaabeyaasha u adkeysan kara isbeddelka cimilada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo nolosha, hantida iyo nolol-maalmeedka bulshada.

Ugu danbeyn Warmurtiyeed shirka kasoo baxay ayaa lagu adkeeyay xoojinta nidaamyada digniinta hore, kordhinta maalgelinta, yareynta khataraha masiibooyinka iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada, dardargelinta iskaashiga dalalka Afrika, iyo qabashada shir heer qaaradeed ah oo lagu abaabulayo dhaqaale lagu taageerayo u diyaar-garowga iyo ka jawaabista saameynta El Niño ka hor dhammaadka sannadka 2026.

 

 

Previous Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

Next Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

Next Post
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In