Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada Af-Barwaaqo, Gobolka Mudug, iyaga oo ku guda jira maalintii shanaad ee safarka gurmad abaaraha ee deegaannada Galmudug.
Mudane Maxamuud Macalin ayaa ku wareejiyay Maamulka Degmada Af-Barwaaqo iyo Guddiga Abaaraha degmada 100 booyadood oo biyo ah, si loo gaarsiiyo dadka ay sida daran u saameeyeen abaaraha ka jira degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Intii uu ku sugnaa degmada, Guddoomiyuhu wuxuu kormeer ku sameeyay deegaanno ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u adag, halkaas oo ay isku biirsadeen abaar ba’an iyo saameynta isbeddelka cimilada. Fiditaanka bacaadka iyo wadooyinka xun ayaa caqabad ku noqday helitaanka biyo ku filan iyo in gurmadka si fudud u gaaro qaar ka mid ah deegaannada fogfog.











