Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Ambassador Abdolla Salem Al Nuaimi ayaa maanta xarunta dhexe Hay’adda SoDMA ka daahfuray masharuuca Udxiyada ee Soomaaliya, taas oo loo qeybin doono shacabka Soomaaliyeed ee danta yar oo ku nool gudaha Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo safiirka Dalka Qatar ayaa xarunta Hay’adda ku yeeshay kulan gaar ah oo wax badan looga hadlay si gaar ah diirada lagu saaray Mashruuca Udxiyada  oo ay fulineyso Xafiiska Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya, kaas oo laga qaybin doono qaybo ka mid ah Maamul gobaleedyada iyo Gobalka Banadir, kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda gargaarka Gobalka Banadir.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Cabdifatax Aadam Macallim Aadaan oo ka warbixiyey masharuucaan ayaa sheegay in ay Ka faa’iideysan doonaan 169-kun oo qof oo ka mid ah dadka danta yar, agoonta iyo barakacayaasha kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in Gargaarkaan sidii loogu talagalay loo gaarsiin doono dadka danyaryar, Agoonta iyo barakacayaasha ka soo barakay Abaaraha, Fatahaadaha iyo Colaadaha.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo tababar u furay ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka ilaalada deegaanka

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo furay shirka isku-dubbaridka xasilinta Qaranka

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo furay shirka isku-dubbaridka xasilinta Qaranka

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo furay shirka isku-dubbaridka xasilinta Qaranka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In