Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed. HALKAAN KA DHAGEYSO

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/05/ggg.mp3

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.HALKAAN KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA OO KA HADLAYA ARIMAHAAS.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/05/gggggggggg.mp3
Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

Next Post
13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In