Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed. HALKAAN KA DHAGEYSO

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/05/ggg.mp3

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.HALKAAN KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA OO KA HADLAYA ARIMAHAAS.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/05/gggggggggg.mp3
Previous Post

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

Next Post
13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Punt land

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In