Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug oo kormeer ku tagay taliska  ururka 13-aad ee kumaandooska GorGor

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug oo kormeer ku tagay taliska  ururka 13-aad ee kumaandooska GorGor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan, oo ay wehliyaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug  Gashaalle sare Cabdulaahi Maxamed Muuse keyse, ayaa maanta kormeer ku tagay taliska  ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska GorGor.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha iyo Askarta  Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa faray in aan la ogolaan doonin Askari Xoogga dalka ka tirsan in uu fasax la’aan aado guddaha magaalooyinka, isla markaana ay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan bulshada dhex dooda si la mid ah hay’addaha ku shaqada leh amniga guddaha ee Booliiska iyo Nabadsugida.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan, oo Ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howlgalada ka socda Gobolka mudug ayaa xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara, ku tilmaamay mid tusaale u ah soo afjarida argagaxisada iyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada Galmudug.

Fariintan Maxkamada Ciidamadda oo ku saleysan ka jawaabida baaqa shacabka ee dhowrista maqalka soo laalaabtay ee rasaasta laga dhex ridayo xaafadaha Magaalooyinka ayaa ugu dambeyn la faray Saraakiisha hoggaamisa Ciidamada in ay hubiyaan hubka Askarta fasaxa ku aadaysa Magaalada xiliga ay ka baxayaan xeryaha iyo soo laabashadooda.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda X.F.S oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda Afrika

Next Post

Weerar culus oo lagu qaaday guri uu deganaa Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan

Next Post
Weerar culus oo lagu qaaday guri uu deganaa Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan

Weerar culus oo lagu qaaday guri uu deganaa Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In