Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan isagoo u kuur galay howlaha shaqo ee ka socda Maxkamadda.
Guddoomiyaha ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamdda Degmada Hodan Garyqaan Axmed Cabdi Cali (Aabi) iyo howl-wadenada
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa kormeeeray Diiwaanka guud ee Maxkamdda Degmada Hodan iyo habmsami u socodka adeega garsoorka ee Maxkamdddu u qabato bulshada ku nool degmada, Sidoo kale waxa uu u kuur galay caqabadaha haysta Maxkamdda Degmada Hodan.
Kormeerkan ayaa ahaan doona mid la joogteyn doono dhammaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.