Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee DFS Amb; Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa Maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka waxay Xafiiskiisa kula yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan ; Baashe Yuusuf Axmed.

Inta uu kulanka socday ayaa waxay madaxda Wasaaraddu halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo siddii loo heli lahaa nidaam caddaaladdeed oo dhammeystiran.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Agaasimaha qorsheynta,  Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka ay hore la tashiyo ugala soo sameeyeen Maamul-gobaleedyada Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray Dalka, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay qorshahaas ku soo koobeen Saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga.

Waaxda maal-gashiga ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa iyaguna waxay halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiirri-gelin looggu sameyn lahaa maal-gashadayaal Dalka ka hir-geliya maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee Dalka, waxaana ay Guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo diyaarinta ku dhaqanka sharciga si maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiirran karaan Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo maal-gashiga ee Dalka, waxaanu intaa raaciyay in qorshaha horumarinta Qaranka uu ahmiyad weyn u leeyahay bahda Garsoorka, taas oo uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabaan sidii horumarin looggu sameyn lahaa, isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyin ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan .

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo qaabbilay Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Qeybaha Bulshadda ee Baled-weyne “Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Qeybaha Bulshadda ee Baled-weyne “Sawirro”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Qeybaha Bulshadda ee Baled-weyne “Sawirro”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In