Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladaan lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir, Ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare , wasiirka cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , guddomiyayaaha maxkamadaha racfaanka iyo tan gobolka banaadir , garsoorayaal iyo shaqaalaha heyadaha garsoorka ee dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada, ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay  System-kan cusub ee Electarooniga.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed    oo ugu dambeyn ka hadlay xaflada lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka electarooniga ah ayaa sheegay in hanaankan cusub laga dhaqan gelin doono maxkamadaha dalka wuxuuna intaa ku daray in nidaamkan uu meesha ka saari doono musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Dhaqan gelinta  hanaanka gal-dacwadeedka  Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir Ayaa sahli doona waxyaabo badan oo ay kamid yihiin keydinta iyo xifdinta galalka iyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dacwadaha.

Previous Post

Real Oo Xaqiijisay In Ronaldo Uu Ku Biiri doono Juve

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan +Sawirro

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan +Sawirro

Wasiirka Difaaca iyo mas'uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan +Sawirro

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In