Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha Xarunta Gargarka Degdegga ah iyo Bakhaarka Kaydka Raashinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, munaasibadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Hindi, wasiirrada Diinta iyo Awqaafta, Tamarta iyo Biyaha maamulkaas, iyo madaxda shirkadda qandaraaska ku guuleysatay.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Xaruntan cusub waxaa hirgelinaysa SoDMA iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, waxaana maalgelin iyo taageero ka geystay Dowladda Shiinaha.

Goobtan waxaa loogu talagalay in ay noqoto xarun lagu fuliyo hawlaha degdegga ah ee gurmadka masiibooyinka, isla markaana lagu kaydiyo raashin iyo agab lagama maarmaan u ah wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhasha dhammaan deegaanada hoos yimaada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

 

Previous Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

Next Post

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

Next Post
Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

Taliyaha CXD oo abaalmariyay geesiyaashii Qaranka ee soo af-jaray dagaalkii Ceeldheer

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In