Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay Shirweynaha 15aad ee ARC oo ka dhacay Kigali

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay Shirweynaha 15aad ee ARC oo ka dhacay Kigali
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu qabtay kal-fadhigii 15aad ee shir-weynaha sanadlaha ah ee hay’adda African Risk Capacity (ARC), taasoo u qaabilsan qaaradda Afrika arrimaha maareynta khataraha musiibooyinka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil 2025),ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah hay’adda ARC, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Intii uu socday kal-fadhiga, waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin:

Related posts

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026

1. Doorashada guddoonka kal-fadhiga 15aad ee sanadkan 2025.

2. Doorashada madaxtinnimada Hay’adda ARC ee afarta sano ee soo socota.

3. Falanqaynta iyo ansixinta go’aammo farsamo oo la hordhigay madaxda hay’adaha wadamada xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sidoo kale ka qeybgalay shir-madaxeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinnada muhiimka ah ee ka soo baxay shirarkii heer farsamo. Doodahaasi waxay si gaar ah u taabanayeen muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika ee la tacaalidda abaaraha soo noqnoqda ee qaaradda ku habsada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga la dagaallanka musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha, iyo sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta iskaashiga dalalka Afrika ee ka hortagga iyo maareynta khataraha musiibooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah iyo iskaashi caalami ah.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha khawaarijta

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

Muqdisho oo uu ka furmay shir cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda dhaqaalaha Dalka

July 28, 2026
0

Muqdisho – Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka furmaya Shir Cilmiyeedka 4-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Dalka, kaas oo uu soo...

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

DFS oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 28 Luulyo 2026 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay Deegaanka Sumadaale

July 28, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe,...

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug oo laga dareemayo Ceelguula

July 28, 2026
0

Ceelguula, Mudug – Magaalada Ceelguula ee gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Galmudug, iyadoo maamulka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In