Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya HCT

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax ku ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka, George Conway.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee waddanka ka taagan, iyadoo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay xilligaan u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka la carabaabay cuuryaaminta ay kheyraadka dalka ku hayaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa gacan-ku-rimiska ah ee colaaduhu ugu horreeyaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda, ayaa tilmaamay shaqada adag ee SoDMA ka qabatay howlaha la xariira ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka tan iyo dib u howlgalinteedi, isagoo xusay in mar kasta Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay qaadashada doorkeeda, isla-markaana soo bandhigay hannaanka loo baanahan yahay in lagu wada shaqeeyo.

Guddoomiye Maxamuud Macallin, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay ku fadhiso Madasha Bani’aadannimo ee dalka ee soo socota, dadaallada hay’adda ee ka hortagga leexsashada gargaarka, ilaha dhaqaale oo xaddidan iyo in loo baahan yahay xoojinta u diyaargarowga, dhisidda awoodda, kor u qaadista iyo isku-duwidda ka hor musiibooyinka.




Previous Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Qaabbilay Madaxa hay’adda Caalamiga ah ee USAID

Next Post

Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Next Post
Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Ciidammada Amniga oo fashiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Somalia Welcomes East African Court of Appeal Decision on EALA Representation

January 20, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia welcomes the decision of the East...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda Racfaanka ee Bariga Afrika

January 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Bariga Afrika ee 19...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In