Tuesday, February 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 hours ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo madaxa cusub ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), Mudane Per Karlsson, oo ay weheliso Marwo Cecelia.

Related posts

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

February 24, 2026
Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

February 24, 2026

Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC), oo lagu dhisay taageerada Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA), ayaa haatan si buuxda u shaqeysa, waxayna door muuqda ka qaadaneysaa xoojinta isku-duwidda gurmadka degdegga ah iyo maaraynta musiibooyinka dalka, taas oo astaan u ah sida ay Dowladda Sweden uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada u adkeysiga bulshada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Inta uu socday kulanka, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah, horumarinta isku-duwidda heer qaran, hirgelinta tallaabooyinka ku saleysan saadaasha hore (anticipatory action), iyo sare u qaadidda awoodda hawlgallada degdegga ah.

Wafdiga ka socday Dowladda Sweden ayaa sidoo kale booqasho qiimeyn ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xarunta, iyagoo ku ammaanay Hay’adda SoDMA sida ay ugu diyaargarowday ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan abaarta ka jirta dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo gurmadka iyo u-diyaargarowga musiibooyinka.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si gaar ah u bogaadiyay garab istaagga Dowladda Sweden ee la xiriira howlaha maareynta musiibooyinka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden (SIDA),.

Previous Post

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

February 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah (NEOC) ku soo...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

February 24, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada degmada Raage Ceelle...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

February 24, 2026
0

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 10...

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In